Följande länkar kan du läsa de olika partiernas val politiska manifest.

Halkaana waxaad ka akhrisan kartaa xisbiyadda iyo rayigooda gaar ee ay u arkaan in bulshadda lagu maamuli karo uu yahay.

 

Här kan du också se en film från Valmyndigheten om hur du kan rösta.
Film om val

Halkaana waxaad ka daawan kardhaa film ku saabsan sida aad u codbinkarto.
Film ku saabsan habka doorashadda

 

 

Doorashada 19 ka september 2010
på Somaliska

Codbixinta doorashada 2010 19:ka sebteember waxaa la qabanayaa doorashooyinka baarlamaanka, degmooyinka iyo gobollada.

Yaa doorashada ka qaybgali kara?

  • Si aad uga qaybgasho doorashada baarlamaanka, waa in aad haysataa dhalashada dalka Iswiidan, aadna buuxsatay 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada iyo in aad mar uun ka diiwaangeshanayd dalka Iswiidan.
  • Si aad uga qaybgasho doorashada degmooyinka iyo gobollada waa in aad ka soo diiwaangeshanayd
    degmada, aadna buuxsatay 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada. Haddii aad u
    dhalatay dal aan Iswiidan ahayn sida dalalka Midowga Yurub, Noorwey ama Iceland waa in
    aad dalka Iswiidan ka diiwaangeshanayd saddex sano oo isku xigta.
    Warbixinta qof ahaaneed oo ku qornayd diiwaanka dadweynaha 30 maalmood ka hor maalinta
    doorashada, ayaa sheegaya in aad doorashada ka qaybgali karto iyo meesha aad codkaaga ku
    dhiibeyso.

Kaarka codbixinta

Dhammaan dadka xaqa u leh in ay doorashada ka qaybgalaan waxaa loo soo dirayaa kaarka codbixinta ugu dambayn 31 agoosto. Sidaan ayeyna u eg tahay! Haddii aadan helin kaarka codbixinta ama ay kaa luntay, waxaad mid rostkortcusub ka heleysaa maamulka degmada iyo Hey'adda doorashada Habkaan ayaad u isticmaaleysaa warqadaha liiska musharaxiinta
Warqadaha liiska musharaxiinta waxaa laga helayaa goobaha aad codka ka dhiibeyso iyo xisbiyada.
Warqadaha liiska musharaxiinta oo huruudda ah waxaa loo isticmaalayaa doorashada baarlamaanka, kuwa cadna doorashada golaha maamulka degmooyinka, kuwa buluugga ahna doorashada golaha maamulka gobollada.

Waxaa jira saddex nooc oo ah liis musharaxiin:

  1. Liiska musharaxiinta uu ku qoran yahay magaca xisbiga iyo musharaxa. Haddii aad kan isticmaaleyso waxaad u codeyn kartaa shakhsi gaar ah.
  2. Liiska musharaxiinta uu ku qoran yahay magaca xisbiga oo qura. Waxaa isticmaala xisbiyada qaarkood oo waxaad u isticmaali kartaa in aad u codeyso xisbi keli ah.
  3. Liiska musharaxiinta uusan ku qornayn magac xisbi iyo musharax. Waxaad ku qoreysaa magaca xisbiga aad u codeyneyso haddii uusan liiska ku qornaqyn. U qor magaca xisbiga si la akhrin karo.
    Waxaad ugu horrayntiiba u codeyneysaa hal xisbi. Haddii aad dooneyso in musharax xisbi la doorto, waxaad isticmaaleysaa liiska musharaxa khaaska ah. Waxaad mushaharaas ugu codeyneysaa adigoo isku tallaab ku xariiqaya magaca musharaxa hortiisa. Hal musharax unn baad xariiqi
    kartaa.
    Hubinta warqada aqoonsiga Kolka aad codeyneyso waa inaad sidataa warqada aqoonsiga, sida shatiga wadidda, baasaboor ama warqadda aqoonsiga shaqada. Haddii aadan wax caddayn ah wadan waa in qof kale aqoonsigaaga caddeeyaa – laakiin waa haddii qofkaasi uu iscaddeeyaay.

Halkaan ayaad ka codeyn kartaa

Waxaad codkaaga dhiiban kartaa maalinta codbixinta ama horay ayaad u bixin kartaa. Ka codbixinta goobta doorashada 19:ka sebteember Waxaad codkaaga ka dhiiban kartaa oo keli ah goobta ku qoran kaarka codbixinta. Halkaasna waxaa kaloo ku qoran cinwaanka goobta iyo waqtiyada ay furan tahay.
Waxaa goobta ku dhigsan warqado ay ku qoran yihiin habka codbixintu u dhacayso.
Codbixinta horay ayaa loo dhiiban karaa laga bilaabi 1:da sebteemberrosta har
Kolka aad codbixintaada sii hormarsasneyso waa inaad wadataa kaarka codbixinta.
Calaamaddaani waxay muujineysaa goobta aad codkaaga ka dhiiban karto. Waxay noqon kartaa xafiiska maamulka degmada, dugsi ama rugta buugagga. Waxaa goobta ku dhigsan warqado ay ku qoran yihiin habka codbixintu u dhacayso.
Waxaad ka heli kartaa warbixinta ku saabsan goobaha codbixinta horay looga dhiiban karo bogga Hey'adda Doorashada www.val.se ama maamulka degmada. Haddii aad codkaaga ka dhiibaneyso meel ka baxsan degmadaada oo aad dooneyso inaad u codeyso qof gaar ah, waa in aad sii qaadataa warqadda lisska musharaxiinta xisbiga degmadaada.
Wakiil kuu codeeya Haddii aad xanuunsan tahay, naafo tahay, waayeel tahay ama aadan awoodin inaad goobta codbixinta timaaddo, waxaad wakiilan kartaa qof codbixintaada ku dhiiba. Waa inaad adigu warqadaha codbixinta ku riddaa baqshad oo u dhiibtaa qofkaas, si uu u geeyo goobta codbixinta ama codbixinta horay looga dhiibto. Qofkaasi wuxuu noqon karaa ehel ama qof ka socda xafiiska gargaarka guriga. Haddii aad ku nooshahay tuulooyinka yaryar oo uu warqadaha boosta kuu keeno boostaale, qofkaas ayaad wakiilan kartaa.
Kolka aad codbixintaada u dhiibeyso qof wakiil ah waxaad u baahan tahay warqado gaar ah, oo aad ka dalban karto xafiiska maamulka degmada ama Hey'adda Doorashada. Haaddii aad qof u codeeneyso waxaad u baahan liiska magacyada musharaxiinta.
Ka codbixinta dalka dibeddiisa Waxaad codkaaga ka soo diri kartaa boosta ama waxaad ka dhiiban kartaa safaaradda ama qunsulka dalka Iswiidan dalka aad ku sugan tahay u fadhiya. Haddii aad codbixintaada ku soo direyso boosta waxaad u baahan tahay warqado aad ka dalban karto Hey'adda Doorashada. Haddii aad dooneyso in aad u codeyso qof gaar ah, waa inaad adigu raadsataa liiska magacyada musharaxiinta.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan codbixinta
Valmyndigheten (Hey'adda Doorashada) Tal: 020-825 825
(ka dibada: +46 8 635 69 00)

Hemsida (goobta Internetka): www.val.se
E-mail: valet@val.se

Kommunen (Degmada): Warbixin ku saabsan xiriirka wuxuu ku qoran yahay kaarka codbixinta

Länsstyrelsen (Gole-goboleedka): Warbixin ku saabsan xiriirka wuxuu ku qoran yahay kaarka codbixinta